
Puntland ayaa markii ugu horreysay sheegtay in ciidamada federaalka ee laga qorayo deegaannadeeda ay salka ku hayso ololaha doorasho soo socota ee Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana oo arrintan ka hadlay ayaa tilmaamay in ay qorshada ciidamo qorista ka dambeeyaan shakhsiyaad xildhibaano iyo wasiiro ah oo doonayo in ay ka mid noqdaan xildhibaannada soo socda ee federaalka.
Wasiir Dujaana oo hadalkan ka jeediyay deegaanka Gacnafale ee gobolka Mudug wuxuu sheegay in shakhsiyaadkaas ay soo direen dad beelahooda uga qora ciidamo ay isku muujinayaan, si buu yiri loogu aamino in ay qorshaha doorasho ee Villa Somalia uga hirgelin karaan deegaannada ay ka soo jeedaan.
Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa deegaannada Puntland lagu soo bandhigay ciidamo beeleedyo la sheegay in ay ku biireen dowladda federaalka, arrintaas oo ku soo aaday, xilli Soomaaliya uu ka taagan tahay is-mariwaa siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka.
PUNTLAND POST