
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu maanta soo saaray xilka kaga qaaday maamulka telefishinka iyo raadiyaha dowladda.
Waxaa Cali Cabdi Cali Faarax laga qaaday xilkii agaasimaha guud ee telefishinka iyo raadiyaha dowladda Puntland, halka Daahir Cabdulqaadir Axmed (Afloow) laga qaaday xilkii agaasime Ku-xigeenka telefishinka iyo raadiyaha dowladda.
Waxaa si ku-meel-gaar ah loogu dhiibay maamulka telefishinka iyo raadiyaha dowladda Puntland Bile Maxamuud Axmed (Qabawsade), wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka.
PUNTLAND POST