
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya (HIQ) iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Turkiga (BTK) ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad ah (MoU) oo la xiriira iskaashiga labada dhinac ee isgaarsiinta elektaroonigga ah.
Hay’adahan ayaa la sheegay in ay iska kaashan doonaan nidaaminta isgaarsiinta dayax-gacmeedka, amniga saaybarka, maareynta hirarka, hirgelinta kaabeyaasha internet-ka baahsan (broadband), amniga, adkaysiga shabakadaha, adeegyada isgaarsiinta, nidaaminta internet-ka, iyo qoddobo kale oo nidaamineed oo la xariira isgaarsiinta elektaroonigga ah.
Heshiiska is-Afgaradka ah waxaa xarunta dhexe ee Hay’adda BTK ee Ankara, ku saxiixay Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya, iyo Ömer Abdullah Karagözoğlu, Guddoomiyaha Hay’adda Teknolojiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta ee Turkiga.
PUNTLAND POST