
Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa maanta warbixin ka siisay baarlamaanka wax ka baddelka xeerka maamulka gobollada, degmooyinka iyo dhismaha dowladaha hoose, kaas oo dhawaan loo qaybiyay xildhibaannada.
Qodobada wax ka baddelka laga sameeyay ee xeerkan ku xusan waxaa ka mid ah tirada goleyaasha deegaanka Puntland oo ka kooban saddex darajo.
Degmooyinka darajada koowaad (A) oo markii hore lahaa 33 xubnood oo gole deegaan ah ayaa hadda laga dhigayaa 15 xubnood.
Degmooyinka darajada labaad (B) oo markii hore lahaa 27 xubnood oo gole deegaan ah ayaa hadda iyagana laga dhigayaa 13 xubnood.
Sidoo kale degmooyinka darajada saddexaad (C) oo markii hore lahaa 21 xubnood oo gole deegaan ah waxaa hadda laga dhigayaa 11 xubnood.
Waxaa kale oo wax ka baddel lagu sameeyay habraac doorashada guddoonka degmooyinka, taas oo laga dhigayo mid qarsoodi ah (Sanduuq), haddii uusan xibsi helin wax ka badan 50% xubnaha golaha deegaanka.
Doorashada guddoonka degmooyinka oo markii hore aan xadidnayn ayaa hadda laga dhigayaa in lagu soo magacaabo ama lagu doorto muddo 30 berri gudahood ah.
PUNTLAND POST