Masaajidda Garoowe oo looga hadlay xaaladda Puntland

Masaajidda magaalada Garoowe waxaa khudbadihii jimcaha ee shalay looga hadlay ammaanka iyo xaaladda ka soo cusboonaatay deegaannada Puntland.

Culimada Garoowe ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeensado cid walba oo wax u dhimaysa nabadgelyada iyo jiritaanka Puntland, iyada oo cod dheer ku sheegay in lala dagaalamo wixii khalkhalgelinaya xasilloonida.

Xukuumadda madaxweyne Deni ayaa ku eedeeysay dowladda federaalka Soomaaliya in ay burburinayso dowladnimada Puntland, islamarkaana ay abaabul ciidan iyo daabulaad hub ka wada deegaanno ka tirsan Puntland.

Gobolka Mudug ayaa ka mid ah meelaha laga soo sheegayo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee federaalka, iyada oo Puntland ay sheegtay in ay tallaabo ka qaadayso arrintaas.

PUNTLAND POST