Dagaal ka dhacay magaalada Baydhabo

Ciidamo taageersan Laftagareen ayaa caawa weerar ku soo qaaday magaalada Baydhabo, kuwaas oo xilligan oo saqdii dhexe ka dagaalamaya gudaha magaalada.

Rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa bartamaha magaalada Baydhabo, taas oo u dhaxaysa ciidamada daacadda u ah Cabdicasiis Laftagareen iyo ciidamo boolis ah oo fariisimo ku lahaa magaalada.

Weli lama oga khasaaraha uu sababay dagaalkan oo hadda socda muddo hal saac ku dhow, islamarkaana ku soo aaday xilli dadka intiisa badan ay hurdaan.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugnayd xarunta madaxtooyada iyo xarumo kale loo daadgureeyay garoonka diyaaraha Baydhabo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya.

Maahan markii ugu horreysay oo ay ciidamada taageersan Laftagareen weerar ku soo qaadaan magaalada Baydhabo, saddex todobaad ka hor ayay sidaan oo kale weerar ku soo qaadeen.

Dagaalka caawa ee Baydhabo ayaa ku soo aaday, xilli madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Aadan Madoobe uu safar ugu maqan yahay magaalada Muqdisho.