
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyay in xukuumaddiisa ay dhawaan qaadan doonto 100 dhalinyaro ah oo ka mid noqonaya shaqaalaha dowladda.
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in dhalinyaradaas lagu xulan doono tartan furan oo caddaalad ah, islamarkaana si isu dheeli tiran looga qaadan doono gobollada Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa hadalka ka jeediyay kulan uu xalay la qaatay qaar ka mid ah dhalinyaeda Puntland, kaas oo ka dhacay xarunta jaamacadda PSU ee Garoowe.
Hadalka madaxweyne Deni ayaa ku soo aadaya, iyada oo mararka qaar ay shaqaalaha rayidka ah ka cowdaan mushaar la’aan, halka dowladdu ay sababtaas ku sheegto culeysyo dhaqaale oo ku yimaada Puntland.
PUNTLAND POST