Puntland, Jubaland iyo mucaaradka Muqdisho oo isku raacay hannaan doorasho

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo mucaaradka Muqdisho ayaa isku raacay oo shaaciyay hannaan doorasho toos ah oo ku saleysan nidaamka awood qaybsiga beelaha Soomaalida ee 4.5.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa lagu sheegay in hannaankan doorasho uu yahay mid saldhig u ah tanaasul siyaasadeed iyo in si degdeg ah looga heshiiyo khilaafka doorashooyinka dalka.

Golaha Mustaqbalka wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay joojiso doorashada ay waddo ee qof iyo cod oo ay ku tilmaameen mid hal dhinac ah.

Golaha Mustaqbalka waxay xuseen in ay hannaankan doorasho faahfaahin doonaan marka la isugu yimaado miiska wadahadal siyaasadeed ee lagu xallinayo khilaafka doorashooyinka iyo marxaladda kala-guurka ah ee dalka.

PUNTLAND POST