Villa Somalia oo bool-bool u furtay guddigii doorashooyinka Puntland ee PEC

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC, Axmed Maxamuud Cumar ayaa shaqa-joojin rasmi ah ku sameeyay agaasimihii waaxda diiwaangelinta codbixiyaasha ee PEC, Maxbuub Nuur Siciid.

Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha PEC ayuu shaqada kaga joojiyay agaasime Maxbuub Nuur Siciid, kaddib markii uu ku eedeeyay amar-diido iyo Shaqo ka maqnaansho joogta ah cududaar la’aan”waxaa cadaatay Agaasime (Maxbuub Nuur Siciid) inaad ku kacday, dayacaad shaqo, amar diido, Shaqo ka maqnaansho joogta ah cududaar la’aan iyo ku-xadgub waajibaad xafiis.”

“Sidaa darted, si waafaqsan qodobka 39aad farqadiisa 3aad Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah eePuntland, waxaa laga joojiyey shaqadii, Mushaharkii iyo Gunadii, waxaana reeban in aad usoo dhowaado Xafiiska Guddiga Doorashooyinka Puntland” ayaa lagu yiri warqadda shaqa-joojinta ee ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha PEC, Axmed Maxamuud Cumar.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa dhinaca kale sheegaya in agaasimihii waaxda diiwaangelinta codbixiyaasha ee guddiga doorashooyinka PEC, Maxbuub Nuur Siciid iyo xubno badan oo ka tirsanaa PEC ay bil ka hor ku biireen guddiga doorashooyinka lagu muransan yahay ee Villa Somalia.

Halkan ka akhriso shaqa-joojinta

PUNTLAND POST