Puntland oo shaki gelisay dhalashada Ra’iisul wasaare Xamse kuna tilmaantay marxuum

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka jawaabay hadal uu shalay jeediyay Ra’iisul wasaare Xamse, kaasi oo ku eedeeyay xukuumadda Siciid Deni in ay ciqaab ku hayso shacabka Puntland.

Wasiir Maxamuud Caydiid oo ka falcelinayay hadalkaasi ayaa beeniyay in xukuumadda Siciie Deni ciqaabtay shacabka Puntland ama go’doon gelisay, waxaana uu Ra’iisul wasaare Xamse ku tilmaamay qof marxuum ah, oo u baahan in laga xoreeyo Villa Somalia, islamarkaana aan awoodin in uu wax go’aan ah ku yeesho Xafiiskii loo magacaabay ee xilka Ra’iisul wasaaraha dalka.

Wasiir Maxamuud Caydiid oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale shaki geliyay dhalashada Ra’iisul wasaare Xamse, oo uu ku tilmaamay mid ka haray dadkii Xamar looga qaxay burburkii Soomaaliya ee sannadkii 1991, waxaana uu xusay in aan la hubin Reerka uu sheegto in uu ka soo jeedo.

” Marxuum Xamse wuxu yiri:shacabka Reer Puntland baa ciqaaban, balse isaga ayaa ciqaaban oo xoreyn u baahan, wuxu awoodi waayay in uu wax go’aan ah ku yeesho xafiiskii loo magacaabay ee xilka Ra’iisul wasaaraha dalka, waa marxuum aniga dhalashadiisi ayaaba shaki igaga jiraa dadkii Xamar looga qaxayna waa ku jiray” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

PUNTLAND POST