Dhammaan Wasiirada Puntland oo lagu wargeliyay in si deg deg ah ku yimaadaan magaalada Garoowe

Dhammaan Golaha Wasiirada Puntland oo farriin kooban loo diray ayaa lagu wargeliyay meel ay joogaanba in ay deg deg ku soo galaan magaalada Garoowe, sidaan ka xiganay ilo wareedyo ka tirsan Xukuumadda Deni.

Farriintan deg deg ah ee loo diray Golaha Wasiirada Puntland ee lagu wargeliyay in ay sida ugu dhakhsaha badan ku yimaadaan Garoowe laguma xusin Ajandaha loogu yeeray Wasiirada oo qaarkood safaro ugu maqan yihiin dalka dibaddiisa, halka qaar kalena ku sugan yihiin gobollada.

“Waxaa farriin deg deg ah nooga timid Madaxtooyada, waxaana na lagu wargeliyay in dhammaan wasiiradu meel ay joogaanba sida ugu dhakhsaha badan ku soo galaan Garoowe, balse wax ajande ah na looma sheegin” ayuu yiri mas’uul ka tirsan xukuumadda Puntland oo aan rabin in magaciisa la xigto.

PUNTLAND POST