
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in guud ahaan Beesha Caalamku ka aamin-baxday Villa Somalia, islamarkaana sheegeen in ay ka guurayaan, kaddib markii ay ku fashilantahay dagaalkii Argagixisada, taasi oo keentay in ay lumiso Kalsoonidii Beesha Caalamka.
“Beesha Caalamku maalin walba waa ka deyrinayaan Xasan Shiikh oo waxay lee yihiin waa ku khasaarnay, waan ka guuraynaa, laguma kalsoonaan karo, xog sirdoon laguma aamini karo” waxa sidaasi yir wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo xalay warbaahinta kula hadlay Garoowe.
Dhinaca kale, wasiir Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in dowladda Puntland kalsooni buuxda ka heshay Beesha Caalamka, oo ay u horreeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska, islamarkaana loo aqoonsaday saaxiib dhab ah oo dunida kala shaqeynaya ka hortagga Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.
“Beesha Caalamka, oo ay ku jiraan Ingiriiska iyo Mareykanka waxay kalsooni buuxda ku qaadeen in Puntland tahay saaxiib dhab ah oo kala shaqeynaya ka hortagga Argagixisada Caalamiga ah. Waad arkaysay dorraad buurta halka ugu sarraysa in diyaaradaha Mareykanku ciidamada Puntland Raashin ugu daadinayeen” ayuu sii raaciyay wasiir Caydiid.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.