Puntland: Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay xisbiga Mideeye oo laba garab noqday

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay xisbiga Mideeye ayaa sababay in uu u kala baxo laba garab oo mid taageersan yahay xukuumadda Siciid Deni, kaasi oo uu hoggaaminayo wasiir hore Abshir Cumar Huruuse.

Bayaan ka soo baxay Garabka muxaafidka ah ee Xisbiga Mideeye oo taageersan xukuumadda Siciid Deni, kaasi oo uu hoggaaminayo Abshir Cumar Huruuse ayuu ku sheegay in xisbigoodu aysan qayb ka ahayn Shirarka Villa Somalia abaabushay ee ka socda magaalada Muqdisho.

“Xisbi Siyaasadeedka MIDEEYE isagoo ka duulaya dastuurka iyo xeerarka xisbiga kuna dhaqmaya dastuurka iyo xeerka xisbiyada siyaasadda Puntland wuxuu bulshadda Puntland, bulshadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u cadaynayaa in aanu qayb ka ahayn shirka gogosha wadatashiga qaranka ee ka socda magaalada Muqdisho” ayuu bayaankaasi ku yiri garabka Abshir ee xisbiga Mideeye.

Dhinaca kale, xubno ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga oo taageersan dhinaca Villa Somalia ayaa ka qeyb noqday Shirarka siyaasadeed ee magaalada Muqdisho ka socda, kuwaasi oo ku saabsan hirgelinta barnaamijka qof iyo cod ee dowladda Xasan Shiikh waddo.

PUNTLAND POST