Ciidamada Puntland oo maanta guud ahaan togga Baallade ka saaray firxadkii mileeshiyaadka Daacish

Ciidamada difaaca Puntland oo shalay bilaabay wejiga afraad ee Hawlgalka Calmiskaad ayaa maanta guud ahaan gacanta ku dhigay godadkii u danbeeyay ee firxadka mileeshiyaadka Daacish kaga dhuumanayeen togga Baallade.

Hawlgal xooggan, oo ay jihooyin kala duwan ciidamadu kaga yimaadeen togga Baallade ayay guud ahaan kula wareegeen dhammaan ceelashii iyo goobihii ay ku harsanaayeen firxadkii ka baxsaday Miraale ee mileeshiyaadka Daacish, sida ay shaacisay dowladda Puntland.

“Ciidamada ayaa ugu tagay maydadka qaar ka mid ah argagixisada, iyo sidoo kale ceelashi biyaha ay ku aasayeen  ciid iyo mayd kooxda ay ka carareen. Waxaa sidoo kale la burburiyay dhismayaal iyo gabaadyo ay kooxdaasi si qarsoodi ah u isticmaali jireen ee ku yaalay togga baalade” ayay sheegtay dowladda Puntland.

Ilo wareedyo amni oo ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadu weli ku raad-joogaan tiro yar oo ka tirsan firxadkii Daacish, kuwaasi oo ka fiigay Hawlgalka lagu qabtay togga Baallade.

PUNTLAND POST