
Dowladda Puntland ayaa shaacisay xog kooban oo ku saabsan argagixiye caalami ah oo ka tirsanaa mileeshiyaadka Daacish, kaasi oo ay maalmo ka hor ciidamada difaaca Puntland ku qabteen Calmiskaad.
Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad oo shaaciyay xogtan kooban ayaa si rasmi ah u soo bandhigay magaca iyo dalka uu ka soo jeedo argagixiyahan ka tirsanaa Daacish oo lagu qabtay hawlgal ciidanka difaaca Puntland ka sameeyay togga Baallade (Calmiskaad).
Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ayaa xaqiijiyay in argagixiyahaasi uu ka soo jeedo dalka Turkiga, waxaana ay magaciisa ku sheegeen Xasan Atar, sida ku xusan bayaan uu soo saaray Xafiiska, balse ma bixin faahfaahin intaasi ka baxsan oo ku saabsan argagixiyahaasi.
“Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee hawlgalada ka wada Calmiskaad, waxay soo bandhigeen xubin ka tirsan firxadka Argagixisada Daacish oo ay ku qabteen hawlgaladii u danbeeyay, ninkan oo u dhashay Turkiga ayaa ku sheegay magaciisa Xasan Atar” ayuu yiri Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.