
Madaxweyne, Siciid Deni oo maanta khudbad ka jeediyay shir ku saabsan horumarinta Maaliyadda oo ka qabsoomay Garoowe ayaa sheegay in dowladda Puntland aysan wakhti danbe ku lumin doonin Soomaaliya oo uu ku tilmaamay ‘dal’ siyaasaddii ka wareertay in ku dhaw 40 sanno.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa tilmaamay in ay hadda kaddib xoogga saarayaan horumarinta Arrimaha Puntland, oo aysan wakhti danbe isaga lumin doonin Soomaaliya oo siyaasaddii ka wareertay in ku dhaw 40 sanno, sidaasi darteedna xukuumaddiisu u soo jeensatay ammaanka iyo horumarinta degaannada Puntland.
“Markan wax badan milicsanay oo dhinacyo kala duwan ka eegnay, Puntland waxay go’aansatay in aysan wakhti ku lumin Soomaaliya oo 40 sanno siyaasadii ka wareertay, hadda kaddib, waxaan xoogga saaraynaa wixii annaga (Puntland) ah qabsan karno in aan qabsano, waxaa la yiri: ninkii tiisa daryeela tu’ kale ku daraya” ayuu yiri madaxweyne Deni.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.