Puntland oo la sheegay in ay dib u farsamayn doonto gantaallo laga qabtay Daacish

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhawaan dowladda Puntland dib u farsamayn doonto gantaallo horay loo qabtay argagixisada Daacish, kuwaasi oo gacanta lagu dhigay ka hor inta aysan kooxdu ku guulaysan dhammaystirka farsamayntooda.

Ilo wareedyo madax-bannaan ayaa tilmaamay dowladdu hawsha gantaalaha u xilsaari doonto khubaro ku takhakhusay farsamayntooda si looga faa’idaysto, balse saraakiil ka tirsan ciidamada oo aan xiriir la samaynay way ka gaabsadeen in ay ka hadlaan wararka ku saabsan hawshaasi.

Gantaalladan waa kuwa qiime ahaan ku kacaya dhaqaale aan badnayn, balse haddii la farsameeyo loo adeegsan karo masaafo aad u fog, waxaana qaarkood garaaci karaan ilaa 700km, siday muujinayaan macluumaadka laga helayo qalabkaasi.

PUNTLAND POST