
Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi Deni oo saaka khudbad ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in 98% dowladda Puntland ku guulaysatay ciribtirka mileeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish.
Madaxweyne Deni oo ka warbixinayay hawlka uu marayo Hawlgalka Calmiskaad ayaa sheegay in la dhammaystiray wejigii saddexaad ew Hawlgalkaasi, halka wejigii afraad oo sifayn guud ah uu bilaabanayo maalinta berri ah, si loo soo afjaro firxadka yar ee ku go’doonsan meelaha qaar, kuwaasi oo ay ku hareeraysan yihiin ciidamada dowladdu.
“Waxaan maanta halkaan uga dhawaawayaa in uu dhammaaday wejigii saddexaad ee Hawlgalka Calmiskaad, waxaana maalinta berri ah bilaabanaya wejiga afraad, si meelaha yar ee ciidamadu ku hareeraysan yihiin looga nadiifiyo argagixisada waxaana oron karaa in buuraha Calmiskaad 98% laga xoreeyay argagixisada Daacish” ayuu yiri Siciid Deni.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Hawlgalka Calmiskaad ee Ciribtirka Daacish, kaddib uu bilaabanayo Hawlgalka Calmadow ee burburinta mileeshiyaadka argagixisada ah ee Al-shabaab oo ku dhuumanaya degaanno ka tirsan Bari iyo Sanaag oo dhaca buuraha Calmadow ee silsiladda Golis.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.