
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, Kulanka oo u dhacay hab-fogaan arag ah, waxaa looga hadlay marxalada siyaasadeed iyo mida amni ee dalku marayo.
Madaxweynaha dowladda Puntland wuxuu soo jeediyay in la qabto Shirweyne loo dhanyahay oo ay ka wada qeybgalaan Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dowladaha xubnaha ka ah DFS, Madaxdii hore iyo shakhsiyaadka aan looga maarmin xal u helida Arrimaha Soomaaliya, maadaama Golihii wadatashiga Qaran (NCC) uu hawlgab noqday.
Dowladda Puntland waxay uga mahadcelisay beesha Caalamka Kaalinta ay kasoo qaateen Dowlad dhiska Soomaaliya, taasi oo ah mid weli loo baahanyahay si ay gacan uga geystaan marxalada hadda dalku marayo.
Wakiillada beesha caalamka ayaa Madaxweynaha iyo guud ahaan Dowladda iyo shacabka Puntland ku boggaadiyey hawlgalada Puntland ay argagixisada uga ciribtireyso deegaannadeeda, oo laga gaaray guulo waaweyn oo wax ku ool ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.