Ciidamada Puntland oo markii u horraysay 15 Soomaali ku dilay dagaalka Daacish

Ciidamada difaaca Puntland oo Jimcihii hawlgal qorshaysan ka fuliyay degaanka Cadayle ee togga Baallade ayaa markii u horraysay tan iyo intii uu bilowday dagaalka Calmiskaad, waxay hawlgalkii shalay ku dileen in ka badan 15 xubnood oo Soomaali ah.

Hawlgalkan oo ahaa cir iyo dhul waxay ciidamada Puntland godadka ugu daateen mileeshiyaad Soomaali u badan oo ka tirsan firxadka Daacish, kuwaasi oo ku dhuumanayay degaanka Cadayle oo dhaca togga Baallade, islamarkaana qiyaastii 26km dhinaca koonfur bari ka xiga magaalada Boosaaso.

Ilo wareedyo amni oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegaya in hawlgalkaasi lagu burburiyay difaacyadii firxadka argagixisada ee degaanka Cadayle, kuwaasi oo horay uga soo firxaday godka Sadow, kaddib hawlgalkii hore ee ciidamadu kula wareegeen Sadow iyo Dacarre.

PUNTLAND POST