
Roob Miraale ah oo xalay saq barkii curtay ayaa maaruqay inta badan dooxooyinka Nugaaleed ee dhaca Gobollada Sool iyo Nugaal, halkaasi oo uu saacado badan ku da’ayay Roobkaasi.
Roobkan mahiigaanka ah ayaa mowjado daad ah ku harqiyay dooxooyinka Nugaasha, waxaana meelaha uu sida weyn u maasheeyay ku jirta magaalada Garoowe iyo dhammaan dooxooyinka ku xeeran.
Isagoo mayay arooryaad ah ayuu sidoo kale saaka ka bariisaynaya hawdka Garoowe ka xiga dhinaca degmada Buurtinle, halkaasi Roobka xooggiisu u dhacay gelinkii danbe ee xalay ilaa waaberkii hore.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.