
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Jimce ah dib ugu laabto caasimadda Garoowe.
Madaxweyne Siciid Deni oo dhawaanahan safar ku joogay magaalada Addis Ababa ayaa sida wararku sheegayaan halkaasi kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, oo ay ka wada-hadleen qodoba ay ku jiraan iskaashiga dhinaca Ammaanka iyo La-dagaallanka Argagixisada.
Markii uu Garoowe dib ugu laabto waxaa la filayaa in uu xarigga ka jaro buundo weyn oo dowladdu ka hirgelisay caasimadda, halka sidoo kale uu furi doono Kal-fadhiga 56aad ee Baarlamaanka Puntland, isagoo ka jeedin doona khudbaddiisa dastuuriga ah, taasi oo sida caadada ah uu kaga hadlo waxqabadkii xukuumadda ee intii u dhexaysa labada Kal-fadhi iyo arrimaha markaasi taagan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.