Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni oo ka soo dhex hadashay xisbiga Horseed

Xisbiga Horseed oo uu hoggaamiyo wasiir ka tirsan xukuumadda Siciid Deni ayaa sheegay in uu si adag uga horjeedo fara-gelin siyaasadeed oo Villa Somalia ku hayso nidaamka dowliga ah ee Puntland.

Guddoomiyaha xisbiga Horseed Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo qoraal soo saaray ayaa luuqad adag kula hadlay Villa Somalia, waxaana uu ugu baaqay in ay si buuxda joojiso fara-gelinta siyaasadeed ee ay ku hayso nidaamka dowliga ah ee Puntland.

“Xisbiga Horseed wuxuu si adag uga soo horjeedaa faragelinta dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso nidaamka dowliga ah ee Puntland. Puntland waa dowlad-kamid ah nidaamka Federaalka ah ee Soomaliya hormuud-na u aheyd hirgelinta nidaamka Federaalka dalka.”

“Xisbiga wuxuu ugu baaqayaa dowladda Federaalka in ay si buuxda u joojiso faragelinta aan sharciyeysnayn, isla markaana la ixtiraamo nidaamka dastuuriga ah ee dalka lagu heshiiyey” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray guddoomiyaha xisbiga Horseed Maxamed Faroole oo sidoo kale ka tirsan xukuumadda Siciid Deni.

PUNTLAND POST