Puntland oo soo afjartay firxad ka tirsan Daacish oo ku go’doonsanaa god weyn oo dhaca Baallade

Dowladda Puntland oo xalay bayaan kooban soo saartay ayaa sheegtay in ay soo afjartay koox ka tirsan firxadkii argagixisada Daacish oo ku go’doonsanaa godka Curre oo dhaca togga Baallade.

Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan hawlgalka Calmiskaad oo bayaankan soo saaray ayaa xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland soo afjareen firxadkii mileeshiyaadka Daacish ee ku go’doonsanaa God-curre oo dhaca togga Baallade.

Xafiiska Warbaahinta ee hawlgalka Calmiskaad ayaa sheegay in dhammaan kooxdii godkaasi ku jirtay noqdeen wax la dilay iyo wax is qarxiyay “Ciidanku waxay soo afjareen Firxadkii Argagixisada ee ku dhuumanayey Godka God-curre oo ku yaala Baallade,wax la dilay iyo wax isqarxiyey noqdeen” ayuu u qornaa bayaankaasi.

PUNTLAND POST