Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Tahriibka – Saamaynta Baraha Bulshada iyo Xaqiiqada Reer Galbeedka

W.Q: Inj. Cabdikariim Aadan Jaamac

Sanadihii u dambeeyay, waxaa si isa soo taraysa u kordhaya tirada dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibaya, iyaga oo u jihaysanaya dalalka reer Galbeedka sida Yurub, Waqooyiga Ameerika, iyo qaar kamid ah waddamada Bariga Yurub. Waxaa muuqata in doorkii baraha bulshada uu noqday mid si xoog leh u saameeyay go’aanka dhalinyarada ay ku gaaraan inay noloshooda halis u galiyaan safarro khatar ah.

Maqaalkan, waxaan ku falanqeyn doonaa sababaha dhalinyaradu u tahriibaan, doorka baraha bulshada, iyo xaqiiqada nolosha muhaajiriinta Soomaaliyeed ee reer Galbeedka.

Marka hore, waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo waxa dhalinyarada ku riixaya tahriibka. Xaaladda dalka ka jirta oo ay ka mid yihiin shaqo la’aanta, fursad la’aanta waxbarasho tayo leh, amni xumo, iyo helitaanka mustaqbal xasiloon ayaa ah dhibaatooyinka horyaalla inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed. Dhalinyaradu waxay dareemaan in ay nolol wanaagsan ka heli karaan meel kasta oo aan Soomaaliya ahayn. Tani waxay dhalinaysaa in mararka qaar aysan si qoto dheer u eegin halista ay wajahayaan marka ay tahriibayaan.

Baraha bulshada sida Facebook, TikTok, iyo Instagram ayaa sii hurinaya rabitaanka dhalinyarada ee ay ku doonayaan inay u guuraan dalalka reer Galbeedka. Muhaajiriinta hore u tagay ayaa inta badan la wadaaga muuqaallo nolol qurux badan muujinaya, sida gaadiid raaxo leh, dhismayaal waaweyn, iyo nolol muuqaal ahaan la jecleysto. Tani waxay dhalinyarada u sawirtaa nolol aan dhib lahayn, iyadoo aan la xusin caqabadaha dhabta ah ee ay la kulmaan muhaajiriinta cusub, sida kalinimada, shaqo la’aanta, isir takoorka, iyo cadaadiska la xiriira la qabsiga dhaqan cusub.

Waxaa wax laga xumaado ah in safarradaasi halista ah ay sababeen khasaare naf leh oo baaxad weyn leh. Sida laga soo xigtay hay’adda International Organization for Migration (IOM), in ka badan 28,000 qof ayaa ku dhintay ama la waayey tan iyo sannadkii 2014 iyagoo isku dayaya inay badda Mediterranean-ka ka gudbaan si ay Yurub u gaaraan. Dadkaas waxaa ku jira boqolaal Soomaali ah. IOM ayaa sidoo kale sheegtay in sannadkii 2023 oo keliya ay ku dhinteen 3,041 qof badda Mediterranean-ka — tan oo ah tiradii ugu badnayd tan iyo 2017 (IOM, 2024).

Dhalinyaro badan ayaa noqda kuwo ku tiirsan dhaqaalaha ceyrta ah ee wadamada qaar u siiyaan quutul duruuriga, taasoo abuureysa nolol aan madax-bannaaneyn. Tusaale ahaan, qaar badan waxay ku nool yihiin guryo ay u kireeyeen dowladda ama hay’adaha gargaarka bixiya, iyadoo aysan helin fursado shaqo oo joogto ah aawadeed.

Ugu dambeyn, si loo yareeyo tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed, waa in dowladu, ha noqoto mid maamul ama dowladda dhexe e, jaamacadaha, iyo ururrada bulshada ay abuuraan barnaamijyo dhiirrigeliya rajada iyo fursadaha gudaha. Sidoo kale, wacyigelin dhab ah ayaa looga baahan yahay sidii dhalinyarada loogu muujin lahaa xaqiiqada dhabta ah ee nolosha qurbaha – nolol aan ahayn sawirka qurxoon ee baraha bulshada lagu faafiyo.

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxay mudan yihiin mustaqbal ifaya, balse ma ahan in riyadaasi loo maro waddooyinka dhimashada. Qorshe wanaagsan, wacyigelin dhab ah, iyo fursado dalka gudihiisa ah ayaa ah furaha xal waara.

W.Q: Inj. Cabdikariim Aadan Jaamac, Mn, USA