Xasan Abgaal oo xukuumadda Deni ku eedeeyay in ay ka baxday nidaamkii iyo dastuurkii Puntland

Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta saamaynta badan ku leh degaannada Puntland ayaa ku eedeeyay xukuumadda madaxweyne Deni, in ay ka baxday nidaamkii iyo dastuurkii lagu dhisay Puntland, islamarkaana sharciga gacanta ku qaadatay.

“Waxaa wax laga xumaada ah in maamulka hadda jira ee Puntland uu si muuqata ugu tuntay nidaamkii dastuuriga ahaa ee lagu dhisay Puntland, isagoo ka leexday hannaankii dowladnimo ee ku dhisnaa kala dambeyn, furfurnaan, iyo ixtiraamka xorriyadaha muwaadiniinta.”

“Hadalladii kasoo baxay shirkii maanta lagu qabtay Garoowe ee lagu sheegay in aysan suurtagal ahayn in shirar siyaasadeed lagu qabto gudaha caasimadda haddii aysan dowladdu raalli ka ahayn, waxay si cad u muujinayaan caburin siyaasadeed iyo ka hor imaanshaha qodobbada dastuuriga ah ee dammaanad qaaday isu imaatinka iyo xorriyadda hadalka” ayuu yiri Xasan Shire Abgaal.

Mudane Abgaal ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan shirar siyaasadeed iyo wada-tashiyo bulsho oo looga arrinsanayo sidii xukuumadda Deni loogu soo celin lahaa xayndaabka sharciga iyo dastuurka si loo badbaadiyo dowladnimada Puntland “Waxaa socda diyaar garowyo ballaaran: shirar siyaasadeed iyo wadatashi bulsho oo lagu qaban doono guud ahaan deegaannada Puntland.”

Halkaan ka akhriso qoraalka Xasan Abgaal

PUNTLAND POST