
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali ayaa markii u horraysay jawaab ka bixiyay wararka ku saabsan in shakhsiyaad ka soo jeeda Koonfur Galbeed si afduub ah loogu haysto magaalada Gaalkacyo, kaddib markii ay bixin waayeen magta marxuum Reer Gaalkacyo ah oo 2007 lagu dilay Idaale (Baay).
Guddoomiye Faysal ayaa beeniyay wararkaasi ku faafay baraha bulshada ee sheegaya in shakhsiyaad Reer Koonfur Galbeed ah si sharci-darro iyo afduub ah loogu haysto Gaalkacyo, waxaana uu sheegay in shakhsiyaadka xiran qof qoyskooda ah uu 19 sanno ka hor nin Reer Gaalkacyo ah dilay, kaddibna magtii lagu heshiiyay laga waayay qoyskooda, sidaasina lagu xiray.
“Iyagaa raali ka ahaa oo waa ku soo wada heshiiyeen qabiilka oo waxay yiraahdeen si kale wax ku imaan mayaane hanala xiro, reer Baydhabood, reer Jawhar iyo reer Kismaayood waa isugu kaaya mid waa dooranaa inuu na xukumana waa ogolnahay, 19 sano kahor ayey nin dileen waxaana laga soo saari waayey magtii” ayuu yiri guddoomiye Faysal Shiikh Cali.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.