Guuleed Saalax oo codkiisa ku biiriyay kacdoon ka dhan ah xukuumadda Deni oo ka curtay Mudug

Dr. Guuleed Saalax Barre oo kamid ah hormuudka siyaasiyiinta Puntland ayaa codkiisa ku biiriyay kacdoonka bulsho ee ka curtay Gobolka Mudug, kaasi oo ka dhashay amni-xumada iyo duruufaha nololeed ee ka jira Gobolkaasi.

“Codkayga waxaan ku biiranayaa baaqyada siyaasiyiinta, Isimada, waxgaradka, dhallinyarada iyo haweenka Gobolka Mudug ee ka cabanaya duruufaha nololeed iyo amni ee ka jira Gobolka, gaar ahaan Magaalada Gaalkacayo.Baraarugga iyo Kacdoonka Gobolka Mudug ee ka dhanka dayaca Maamul ee jira waxa uu muujinayaa muhiimadda ay leedahay la xisaabtanka iyo toosinta dowladnimada oo aasaas u ah horumarka iyo xakameynta musuqmaasuqa hantida dadweynaha.”

Dr. Guuleed Saalax ayaa xukuumadda Madaxweyne Deni ugu baaqay in aysan dhagaha ka furaysan guuxa dadweynaha ee isa soo taraya, una istaagto gudashada waajibaadka ka saaran bulshada, horumarinta adeegyada aas-aasiga ah iyo xal u helidda caqabadaha ku xeeran dhallinyarada ee sababaya in ay ka tahriibaan dhulkooda.

“Waxaan bogaadinayaa dhammaan siyaasiyiinta, Dhaqanka iyo Haldoorka Bulshada ee garab istaagay codka bulshada gobolka Mudug, anigoo rajaynaya in ay tusaale u noqoto dhammaan deegaannada Puntland ee la daalaa-dhacaya duruufahan.Xukuumadda Puntland waxaan ugu baaqaya in aysan dhagaha ka furaysan guuxa dadweynaha ee isa soo taraya, una istaagto gudashada waajibaadka ka saaran bulshada, horumarinta adeegyada aas-aasiga ah iyo xal u helidda caqabadaha ku xeeran dhallinyarada ee sababaya in ay ka tahriibaan dhulkooda” ayuu yiri Guuleed Saalax.

PUNTLAND POST