
Duqa caasimadda Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre oo maanta hadal kooban ka jeediyay kulan ku saabsan Amniga ayaa sheegay in aan wax shirar siyaasadeed oo dowladdu ogayn lagu qaban karin Garoowe.
“Magaaladan shir uma baahna, saxmad iyo qaylana uma baahna, haddaa ku sii socotaana waxaas ogaatan in gacmaha la idinka qaban doono, marka hore waxaa laga yaabaa in shirku fududaado oo dadka si fudud wax loogu sheego, balse hoosta wax laga wato oo hadhow la is ballaariyo.”
“Magaaladan Garoowe xafiis danbana lagama furi karo shir danbana laguma qaban karo, annagaa mas’uul ka ah, annagaa nala weydiinayaa oo lagu la xisaabtamayaa. Dadka hoteellada leh iyo dadka meelahaasi ku shirayana waxaan lee yahay shir aan dowladdu ogayn Garoowe laguma qaban karo” ayuu yiri duqa Garoowe Geeddi Axmed Tuurre.
Go’aankan ka soo baxay maayirka caasimadda ayaa imaanaya maalin, kaddib markii Garoowe lagaga dhawaaqay gole siyaasadeed la baxay Caddaaladda iyo Dimuqoraaddiyadda, kaasi oo uu guddoomiye ka yahay siyaasi Guuleed Saalax Barre oo doorashadii madaxtinimada Puntland ee 2024 kaalinta labaad galay.
Halkaan ka daawo hadalka maayir Geeddi
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.