
Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo soo saartay jadwal cusub ayaa maanta muddaysay Kal-fadhiyada golayaasha degaanka degmooyinka Puntland.
Warqad ka soo baxday wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayay ku shaacisay jadwalka cusub Kal-fadhiyada golayaasha degaanka degmooyinka Puntland, kuwaasi oo horay u baaqday kaddib markii dowladdu hakisay tan iyo markii uu bilowday hawlgalka Calmiskaad ee la-dagaallanka Argagixisada Daacish.
“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo ixtiraamaysa Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo Dhismaha Goleyaasha Deegaanka LR.7. Qodobkiisa 44-aad, Farqaddiisa 2-aad.Iyada oo la xeerinayo duruufaha jiray ee keenay in ay baaqdaan kalfadhiyadii hore, waxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL soo saartay jadwalka kalfadhiyada Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland” ayaa lagu yiri Jadwalka wasaaraddu soo saartay.
Halkaan ka akhriso Warqadda Jadwalka

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.