Maxay yihiin qodobada xasaasiga ah ee ku jira Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland ee dhawaan furmaya?

Kal-fadhiga 56aad ee Baarlamaanka Puntland oo xambaaraan Qodoba xasaasi ah ayaa lagu wadaa in uu furmo 15 bishaan oo ku beegan Axadda Todobaadka danbe.

Kal-fadhiga oo lagu wado in uu si rasmi ah u furo Madaxweyne Siciid Deni islamarkaana ka jeediyo khudbaddiisa dastuurig ah, taasi oo uu kaga hadli doono wixii u qabsoomay xukuumaddiisa intii u dhexaysa labada Kal-fadhi iyo sidoo kale Arrimaha Puntland iyo guud ahaan xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood ayaa riixaya in Ajandaha Kal-fadhiga lagu soo daro qodoba xasaasi ah, oo ay ku jiraan kala gurka Puntland & SSC-khaatumo iyo dib u habaynta hannaanka wax qeybsiga kuraasta Baarlamaanka iyo tan xukuumadda ee Puntland.

PUNTLAND POST