
Xubno kamid ah Golaha Isimada Dhaqanka Gobolka Bari oo maanta ku shirsan degaanka CARTA oo ka tirsan degmada Carmo ee Gobolka Bari ayaa qaban-qaabinaya Shir weyne ku saabsan xaaladda guud ee Puntland, oo ay doonayaan in ay dhawaan qabtaan.
Isimada Kulmay ayaa isla qaatay in ay dhawaan isugu yimaadaan Shir ku saabsan xaaladda guud ee Puntland, si wax laga isaga weydiiyo jihada xukuumadda Madaxweyne Deni ku waddo Mustaqbalka degaannada Puntland iyo Arrimaha Masiiriga ah ee taabanaya jiritaanka iyo Midnimada Soomaaliya.
Shirkaan ayaa daba socda bayaan bishii hore ee May ee soo saareen Golaha Isimada Dhaqanka Gobolka Bari, kaasi oo ay Xukuumadda Siciid Deni uga digeen Afkaarta ku dhisan Gooni u goosadka iyo kala goynta dalka Soomaaliya, oo ay riixayaan xubno siyaasiyiin ah oo ka tirsan dowladdiisa.
“Isimadu waxay ka digayaan in wax laga badalo Qaab dhismeedkii Axdi Qarameedkii lagu dhisay Puntland ee ahaa in lagu doono Dowlad Soomaaliyeed; iyo hishiiskii ahaa Dawlad Fadaral ah oo Xubin ka ah Dowlada Soomaaliyeed oo Federal ah; kooxaha abuuraya wixii intaa ka duwan sida, Gooni u goosad, Confederal, iyo wixii la mid ah waa in ay ka waantoobaan” ayaa lagu yiri bayaankii hore ee Isimada Bari.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.