
Dowladda Puntland ayaa shaacisay in ay hawlgal cir iyo dhul ah saddexdii cisho ee u danbeeyay kula wareegtay degaannada ku teedsan togagga Sadow, Cabdalle iyo lugaha Raa-raha ee togga weyn ee Baallade.
Taliska Ciidamada difaaca Puntland oo warbixin ka soo saaray hawlgalkaasi ayaa sheegay in ay saddexdii cisho ee u danbeeyay hawlgal cir iyo dhul ah, oo ay fuliyeen kula wareegeen deegannada ku teedsan togagga Sadow, Cadalle iyo lugaha Raa-raha ee tog-weynaha Baallade, halkaasi oo ay dhammaan ka sifeeyeen argagixisada Daacish.
“Ciidamada Difaaca Puntland ayaa hawlgallo cir iyo dhul-ba leh oo ay fulinayeen sadexdii cisho ee u dambaysey kula wareegey deegannada ku teedsan togagga Sadow, Cadalle iyo lugaha Raa-raha ee tog-weynaha Baallade” ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray Taliska Ciidamada difaaca Puntland.
“Muddada hawlgalku socdey ciidamadu waxa ay guulo muhiim ah ka gaareen Argagixisada Daacish, iyagoo ka qaniimaystey hub, ka diley, kana dhaawacay sharwadayaal hor leh” ayuu sii raaciyay warbixintiisa Taliska Ciidamada difaaca dowladda Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.