Puntland oo ka hadashay dhalinyaro cabasho muujiyay oo lagu Xirxiray Gaalkacyo

Maamulka gobolka Mudug ayaa markii ugu horaysay faahfaahin ka bixiyay shan dhalinyaro oo lagu xirey Gaalkacayo, kuwaas oo horey u wadey mudaharaad ay ku dalbanayaan sidii wax looga qaban-lahaa baahiyaha Gaalkacayo  kaas oo dawladu ay baajisay markii ay gole wasiiro ah u direen.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali ayaa sheegay in dhalinyaradaas ay garoonka Cawaale la soo galeen boorar ay hal ku dhigyo kusoo qoreen, sidoo kale ay diyaarsadeen gaadiid, kuwaas oo ay doonayaan inay shacabka kala hadlaan, kicin bulshona ay sameeyaan.

Gudoomiye Faysal ayaa sheegay in arinkaan ay ku jiraan gacmo shisheeye, tabashada bulshadana balan laga lahaa taas oo waqtigeeda aan la gaarin, dhalinyarada ayuu xusay inay waday kacdoon aan fasax-haysan iyo fowdo laga dhex abuurayo dad cibaadaysanaya, dadkaas ayuu xusay inaysan horumar doonayn.

Wuxuu tilmaamey in hay’adaha Amnigu ay baarayaan, isla markaana uu ku dabageli doono sidii maxkamad loo horkeeni lahaa si hadii ay denbi leeyihiina wixii sharcigu ka qabo loo maro, hadii denbi lagu waayona loo siidaayo.

PUNTLAND POST