
Siyaasi Guuleed Saalax Barre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa kulul u cambaareeyay tacaddi iyo xarig ay xukuumadda Madaxweyne Deni kula kacday qaar kamid ah dhalinyarada Gobolka Mudug oo cabasho ka muujiyay baahiyaha ka jira magaalads Gaalkacyo.
“Tacaddiga iyo xarigga laamaha Amniga Puntland ay kula kaceen dhallinyarada ka abaabulayey isusoo-baxa nabadeed magaalada Gaalkacayo waa fal ka soo horjeeda qodobbada 14 iyo 24-aad ee Dastuurka Puntland” ayuu yiri siyaasi Guuleed Saalax oo warsaxaafadeed ka soo saaray xarigga dhalinyaradaasi.
Guleed Saalax oo baaq deg deg ah u jeediyay Madaxweyne Deni ayaa ka dalbaday in uu sida ugu dhakhsaha badan u sii daayo dhalinyaradaasi oo uu ku tilmaamay kuwa u af-duuban xukuumadds Siciid Deni, waxaana uu ka digay in dhalinyarada tabashadooda lagu cabburiyo xarig iyo af-duub, halkii laga xallin lahaa.
“Qodobbadaas oo si buuxa u damaanad qaadaya xorriyadda hadalka, abaabulka iyo ka qeyb qaadashada bannaan-baxyada nabadeed, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Deni in uu degdeg u sii daayo dhallinyarada u afduuban.”
“Waxaa nasiib darro ah in dhallinyaradii u kacay duruufaha adag ee ka jira deegaankooda loogu abaal gudo xabsi iyo caburin, halka la xallin lahaa tabashada jirta ee arrimaha nolasha, shaqo abuurka iyo awood siinta maamul ee dhallinyarada” ayuu sii raaciyay Guuleed Saalax oo baaqaasi u diray Madaxweyne Deni.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.