
Xukuumadda Puntland ayaa maanta si shuruud la’aan ah ku sii daysay qaar kamid ah dhalinyarada Gaalkacyo oo shalay loo xiray cabasho ay ka muujiyeen baahiyaha ka jira Gobolka Mudug oo aysan waxba ka qaban dowladdu.
Mas’uuliyiinta Gobolka Mudug ee Puntland ayaa shalay ku tilmaamay dhalinyaradaasi kuwa fowdo abaabulayay, waxaana uu sheegay in hay’adaha Amnigu baaritaan ku samaynayaan, kadibna loo gudbin doono garsoorka, si sharciga loo marayo.
Balse, dowladda ayaa go’aankaasi ka laabatay, kaddib markii ay cadaadis kala kulantay haldoorka iyo bulshada Gobolka Mudug, islamarkaana siyaaasiyiinta mucaaridka ah ku cambaareeyeen tallaabadii ay ku xirtay dhalinyaradii tabashada ka muujiyay xaaladda Gaalkacyo.
Siyaaasiyiinta mucaaridka ah oo ay ku jiraan Guuleed Saalax Barre iyo Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa xarigga dhalinyarada tabashada muujiyay ku cambaareeyay xukuumadda madaxweyne Deni, waxaana ay ka dalbadeen in ay si deg dega oo shuruud la’aan ku sii dayso dhalinyaradasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.