
Kaddib dagaal culus oo saacado badan qaatay ciidamada difaaca Puntland ayaa firxadkii ugu badnaa ee Daacish ku dilay aagga Sadow ee togga Baallade.
Ciidamada oo shalay hawlgal xooggan ku qaaday difaacyo adag oo ay mileeshiyaadka Daacish ka samaysteen togga Baallade ayaa ku guulaystay in ay burburiyaan difaacyadii kooxda, islamarkaana waxay halkaasi ku dileen firxad badan oo ka tirsan Daacish.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamadu maanta soo bandhigayaan godadkii ay ku burburiyeen firxadkii Daacish, hubkii paga furtay iyo sidoo kale meydadii ku dhawaad 40 dagaallame oo argagixisada looga dilay hawlgalkaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.