
Hay’adda nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa Khamiistii saacado ku xannibtay garoonka diyaaradaha Garoowe agaasimaha waaxda Qiimeynta wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya, Maxamuud Siciid Nuur.
Saraakiil ka tirsan hay’adda Sirdoonka PISA oo ku sugan garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa sida uu sheegay Maxamuud Siciid waxay saacado hakiyeen isaga oo uu weheliyay qof kale, waxayna weydiiyeen su’aalo ku saabsan socdaalkiisa.
“Aniga iyo mudane Duale Foore Duale, xannibaaddii iyo is-hortaaggii aan saaka kala kulannay gudaha garoonka diyaaradaha ee Garoowe oo ay fuliyeen saraakiil ka tirsan hay’adda PISA” ayuu yiri Maxamuud Siciid Nuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.
“Waxay ahayd dhacdo aan waafaqsanayn xeerarka iyo qawaaniinta dalka, gaar ahaan kuwa damaanad qaadaya xorriyadda isu socodka muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay agaasimaha waaxda Qiimaynta wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya oo saacado lagu xannibay garoonka diyaaradaha Garoowe.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.