Madaxweynaha Puntland oo maalinta berri ah ku dhawaaqaya in si buuxda loo jebiyay mileeshiyaadka Daacish

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa lagu wadaa in munaasabadda Iidda ee maalinta berri ah jeediyo khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ku saabsan Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda.

Madaxweyne Deni oo berri ku iidaya magaalada Boosaaso ayaa la filayaa in uu khudbaddiisa ku soo qaato qodoba dhawr ah, oo ay ku jiraan ku dhawaaqidda dhammaadka wejigii saddexaad ee Hawlgalka Calmiskaad iyo U-diyaar garowga bilowga Hawlgalka Calmadow.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqi doono in si buuxda loo jebiyay mileeshiyaadka Daacish, islamarkaana uu dhammaaday wejigii saddexaad ee Hawlgalka Calmiskaad, taasi oo ka dhigan in uu guulaystay Hawlgalkaasi.

Waxa uu sidoo kale sheegi doonaa in loo diyaar-garoobo bilowga Hawlgalka Calmadow ee Argagixisada AS looga sifaynayo buuraha Calmadow, kaasi oo sida dowladdu sheegtay la magac baxay Hawlgalka ONKOD.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni waxa la filaya in uu ka hadlo Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo Shirka uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh, si uu u caddeeyo mowqifka Puntland ee Shirkaasi.

PUNTLAND POST