
Xukuumadda Puntland oo si rasmi ah u caddaysay mowqifkeeda jiritaanka maamulka Khaatumo ayaa sheegtay in dhammaan degaannada SSC ay ka tirsan yihiin dhulka Puntland, oo aysan jirin meel ay kaga baxeen.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo caddeeyay mowifka dowladda ee jiriraanka maamulka Khaatumo ayaa sheegay in dhammaan degaannada SSC ay yihiin dhul ka tirsan Puntland, islamarkaana aysan jirin meel ay kaga baxeen, taasi oo ka dhigan in aysan aqoonsanayn maamulka degaannadaasi ka dhisan.
“SSC dastuuriyan waa dhul ka tirsan Puntland meel ay kaga baxday ma jirto. Puntland markii la dhisayay heshiis bulsho ayaa lagu dhisay, waana inta ku qoran dastuurka oo ka kooban dhammaan gobollada Puntland marka ma jirto meel lagu kala baxay dastuurkiina lama furin” ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir.
Dhinaca kale, weli maamulka SSC-khaatumo kama jawaabin sheegashada Puntland ee ku saabsan in degaannadaasi ka tirsan yihiin dhulka Puntland, oo aysan jirin meel lagu kala baxay, sida uu tilmaamay wasiirka Warfaafinta xukuumadda Deni, Maxamuud Caydiid Dirir.
Puntland si rasmi ah hor ugama imanin aqoonsiga SSC-Khaatumo ka heshay dowladda federaalka kuna noqotay maamullada xubin ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya dhowaan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.