
Ciidamada difaaca Puntland oo saaka hawlgal kale ku qaaday firxadkii Daacish ayaa si buuxda kooxdaasi uga saaray ceelka lagu magacaabo Dacarre dhaca degaanka Shakaalooyin ee aagga Baalade.
Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad oo bayaan kooban soo saaray ayaa xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland gacanta ku dhigeen ceelka Dacarre oo dhaca degaanka Shakaalooyin ee nawaaxiga Baalade, halkaasi ay ciidanku ka saareen firxadkii argagixisada.
Bayaanka ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayuu sidoo kale ku sheegay in ciidanku saaka hawlgalkaasi ku dileen laba firxad ah oo ka tirsan Daacish, sidoo kale ceelka ugu tageen hub, matooro iyo agab ciidan oo ay sii gubtay argagixisadu ka hor inta aysan firxan.
“Hawgalkii saaka: Ciidanku waxay dileen 2 firxad Argagixiso ah, waxay qabteen Ceelka Dacare ee ku yaalla Deegaanka Shakaalooyin , halkaasi oo loogu tegay Hub, Matooro iyo Agabkale oo ay sii gubtay Argagixisadu. Calmiskaad” ayuu bayaankiisa ku sheegay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.