
Dowladda Mareykanka ayaa xalay weerar ku qaaday godad dhaca togga Baalade, oo ay ku dhuumanayeen firxadkii Daacish, kuwaasi oo ay ku jiraan xubno sare oo la raadinayay.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo hawlgalkan fuliyay ayaa duqeymo xoog badan ku garaacay afar goobood oo dhaca afka togga Baalade, halkaasi oo ay u baxsadeen firxadkii laga saaray Miraale, islamarkaana la rumaysan yahay in ay horay u joogeen xubno sare oo kamid ah kooxdaasi.
Jug culus oo is daba joog ah iyo iftiin sida hillaacii uga baxay dhinaca togga Baalade ayay xalay soo sheegeen saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Taliska Miraale, kaddib markii Mareykanku duqeyn xooggan ku garaacay godadkii ay ku dhuumanayeen xubno sare oo kamid ah argagixisada.
Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ee Puntland oo war kooban soo saaray ayaa sidoo kale xaqiijiyay duqeymaha Mareykanku xalay ka fuliyay togga Baalade, waxaana uu sheegay in lagu beegsaday godadkii ay ku dhuumanayeen firxadkii mileeshiyaadka Daacish.
“Saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka ayaa duqeeyay 4 meelood oo ku yaalla inta u dhexeysa Togagga Baalade iyo Miiraale, waxaa la beegsaday firxadkii Argagixisada oo sii gelaya Godad ay ku dhuumanayeen” ayuu warkiisa ku sheegay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ee Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.