Guddoomiyaha Gobolka Karkaar oo si adag uga difaacay eedeyn loo jeediyay Marwada Madaxweyne Deni

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Cabdi Saciid Dheere ayaa si adag u difaacay eedayn loo soo jeediyay qoyska madaxweynaha Puntland oo ku saabsan in ay degaamaysteen dooxo daaqsimeed dhacda duleedka magaalada Qardho.

Dad xoolo dhaqato ah ayaa dhawaan ku eedeeyay marwada madaxweynaha Puntland, Ijaabo Yuusuf Maxamuud in ay degaameysi ku samaysay dooxo daaqsimeed dhacda duleedka degmada Qardho, kaddib markii ay cagaf gelisay, oo ay dhigatay dhul ay leedahay oo aanay cid lale manaafacsan karin.

Guddoomiyaha gobolka Karkaar oo maanta warbaahinta ka hadlayay ayaa sheegay in aysan jiri karin cid danbe oo ka hadli karta arrinta dooxada. Waxa uu sheegay meesha ay dhisatay marwada madaxweynuhu in aysan ahayn Dooxo, balse uu yahay xero kamid ah xeryaha laga dhistay duleedka magaalada Qardho.

“Holwgal ballaaran baa dowladdu qaadi doontaa. Dhulkaan odeyna masuul kama ahan, cid damboo ka hadli karta ma jirto.” ayuu yiri guddoomiyaha Karkaar oo u muuqday mid habjabaad u diraya dadka dhawaaan ka horyimid xirmaysiga lagu eedeeyay qoyska madaxweynaha dowladda Puntland.

PUNTLAND POST