Ciidamada Puntland oo maanta weerar qorshaysan ku dilay in ka badan 30 xubnood oo Daacish ah

In ka badan 30 xubnood oo ka tirsan mileeshiyaadka Daacish ayaa lagu dilay weerar cir iyo dhul ah oo ay maanta ciidamada difaaca Puntland ka fuliyeen inta u dhexaysa Miraale iyo Baalade.

Cutubyo gaashaaman oo kamid ah ciidamada difaaca Puntland, oo ay weheliyaan diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca ayaa maanta godadka ugu daatay haraadigii firxadka Daacish, waxaana ay halkaasi ku dileen in ka badan 30 dagaallame oo ka tirsan kooxdaasi.

Saraakiisha ciidamada ayaa isu ururiyay meydadka argagixisadii saaka lagu laayay hawlgalkan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ciidamadu soo bandhigaan meydadka kooxda iyo hubkii laga furtay, sidaan ka soo xigannay sarkaal ku sugan furinta hore ee Miraale.

“Saaka subaxnimadii hore ayay ciidanku godadka ugu daateen haraadigii Daacish ee ka firxaday Miraale, waxaan ku qaadnay weerar cir iyo dhul ah, oo ay is barbar socdeen duqeynta cirka iyo dagaalka dhulka, taasi oo keentay in aysan wax naf leh ka baxsan intii meeshaasi joogtay.”

“ilaa iyo hadda waxaan ururinay meydadka ilaa 30 xubnood oo kamid ahaa haraadigii Daacish ee saaka ciidanku laayay, waxaana soo bandhigi doonaa saacadaha soo socda oo aad indhihiina ku arki doontaan insha Allah” ayuu yiri sarkaal ku sugan jiidda Miraale oo aan warkan ka xigannay.

PUNTLAND POST