Puntland oo qaramaysay ciidan beeleed ku sugan degmada Xarfo ee gobolka Mudug

Xukuumadda Puntland ayaa si rasmi ah ula wareegtay ciidan beeleed ku sugan degmada Xarfo ee gobolka Mudug, kadib markii odayaasha beeshu go’aamiyeen in ay ciidankaasi ku biiraan ciidamada difaaca Puntland.

Munaasabad ka dhacday xerada Abqaale ee degmada Xarfo ayay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, waxay odayaasha degaanka kala wareegeen in ka badan 300 oo askari oo ku gaashaaman gaadiid dagaal, kuwaasi oo kamid noqonaya ciidamada difaaca Puntland.

Odayaasha degmada Xarfo iyo mas’uuliyiinta dowladda ayaa si wadajir ah u sheegay in laga bilaabo maanta ciidankan ku biirayaan difaaca Puntland, oo ay xuquuqdooda iyo mushaarka ku lee yihiin dowladda, taasi oo ka dhigan in si rasmi ah loo qarameeyay.

PUNTLAND POST