
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo wareegto soo saaray ayaa isku beddelay, qaarna shaqada ka eryay xubno ka tirsan Garsoorka Puntland.
Wareegtada ka soo baxday Xafiiska K/M Ilyaas Lugatoor oo ku saabsan isku beddelka iyo Ruqsaynta Xeer ilaaliyaal iyo garsoorayaal ka tirsan Garsoorka Puntland, waxaa uu shaqada kaga saaray Fowsiya Xuseen Ibraahin oo ahayd xeer Ilaaliyaha Gobolka Nugaal.
Ayaan Axmed Maxamuud oo ahayd xeer Ilaaliyaha Gobolka Bari waxaa loo beddelay Xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal, halka Madiina Maxamuud Maxamed oo ahayd xeer ilaaliyaha Gobolka Haylaan loo beddelay xeer Ilaaliyaha Gobolka Karkaar.
Jaamac Faarax Nuur oo ahaa Garsoore Maxkamadda Derajada laad ee Qardho waxaa loo beddelay Garsoore Maxkamadda Racfaanka Gobolka Nugaal, halka Cabdiqaadir Maxamed Axmed oo ahaa Garsoore Maxkamadda D1aad ee Buurtinle loo beddelay Garsoore Maxkamadda Rafaanka ee Gobolka Bari.
Halkaan ka akhriso Wareegtada

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.