
Garoowe (Faallo PP) — Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa dhowaan sheegay in Garoowe ay noqon waysay magaalo, sida Muqdisho iyo Hargeysa, lagu hayo dan dad ka dhexeysa. “Siyaasaddu waxay ku salaysan tahay isbahaysi” ayuu yiri Sharmaarke. Wuxuu ku eedeeyey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas, oo ka gaabsaday inuu magaciisa sheego, inuu diiday in badda Puntland lagu daro dhulka xeebihiisa shidaalka laga baarayo. Go’aankaas wuxuu Puntland ka dhigay maamul aan kaalin ku lahayn doodda baarista shidaalka Soomaaliya.
Sharmaarke wuxuu taabtay meesha siyaasadda Puntland ka hallaysan tahay. Haddii Madaxweynaha xilka haya ee Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya is maandhaafaan, dadka Puntland waxaa laga hor istaagaa xuquuqo badan oo ay ku leedahay dowladda federaalka sida waddooyinka la dhisayo, deeqaha horumarinta sida mashruucii waxbarashada ay USAID ku deeqday oo dhammaaday 2024kii.
Garoowe ma laha eedda sababta inay noqon la’dahay magaalo saldhig siyaasadeed u ah dadka 1998kii Puntland wada dhistay. Eedda waxaa leh siyaasiyiinta oo Puntland ku soo koobay muddo xileed iyo khasnad ku jirta jeebka madaxweynaha hadba xilka haya.
Aamusnaanta saamileyda siyaasadda ee Puntland marka maamulka xilka haya ku xadgudbayo danaha dadka Puntland waa dib u dhac weyn oo la haray siyaasadda Puntland. Mabda’a “u dhaafa shantiisa sano” waa sababta Puntland siyaasaddeedu ugu soo ururtay diidmo sida ka hor imaanshaha qaadista cunaqabatayntii hubka iyo deyn cafinta, hase ahaatee labada hindise Soomaaliya way ku guulaysatay meelmarintooda.
Doorashadii 2022kii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xildhibaannada iyo senetarrada Puntland xoog/xeelad ku soo xushay si uu madaxweyne uga noqdo Soomaaliya. Markii dambe xildhibbannadaas iyo senatarradaas waxaa lagu eedeeyey inay u qareemi waayeen danaha dadka Puntland. Ma inay danaha dadka Puntland u qareemaan baa loo soo xushay mise inuu Deni tartan ku galo?
Puntland ma laha isbahaysi siyaasadeed. Jubaland ma noqon karto isbahaysi si joogto ah ay Puntland iskugu hallayn karto. Madaxwyne Deni waxay Jubaland ku kala irdhoobeen doorashadii 2022kii. Jubaland ma aha maamul hal beel keliya ay dhisatay. Waa maamul siyaasaddiisu cakiran tahay inta badan, una tanaasula dowladda federaalka. Waa dhab in Puntland siyaasadda lagaga dheereeyey. Maamulka goosasho-doonka ee Somaliland xildhibaannadiisa iyo senatarradiisa codadka la diyaarka ah ayaa qariyay kaalinta Puntland ka ahayd horseedka dowlad dhisidda Soomaaliya oo hab federaal ah ku salaysan.
Maamulka Somaliland wuu ka mid yahay dowladda federaalka kamana mid aha. Waa tanaasul siyaasadeed ay Puntland samaysay, oo ay hadda u aragto in laga habboonaa markii ku meelgaarka laga saaray dalka, 2012kii. Wasiirka Arrimmaha Gudaha ee Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa dhowaan ku dooday in ka bixistii ku meelgarka lagu degdegay. Marka la eego miraha dowlad dhisidda ee habka federaalka qiimeynta Wasiir Juxaa waa mid aan dhab ku salaysnayn. Farriinta dad badan kala soo dhex bexeen hadalka Cumar Cabdirashiid waa in beelaha Puntland wada dhistay 1998kii aysan helin waqti ay siyaasad ahaan isku bartaan.
© Puntland Post, 2025
You must be logged in to post a comment.