
Dowladda Puntland oo sheegtay in mileeshiyaadka ISIS aysan tabari ku harin ayaa ku amartay inta weli baxsadka ah ee firxadkooda ka nool in ay si deg deg ah isugu dhiibaan ciidamada dowladda.
Gaashaanle Faarax Axmed Faarax (Faarax Laba-dhalo) oo ah Taliyaha Ururka 14aad ee Dhiirrane oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa ku amray firxadka weli ka nool argagixisada ISIS ee baxsadka ah in ay sida ugu dhakhsaha badan isugu dhiibaan ciidanka dowladda.
“Miraale waxaan ku qabsanay dagaal adag oo cir iyo dhul aan ka weerarnay argagixisada, waxaana meel walba daadsan meydadkoodii, waxaan faraya inta firxadka ah ee weli ka nool argagixisada in ay inta iftiinka ah isu dhiibaan ciidamada dowladda Puntland” ayuu yiri Gaashaanle Faarax Qoryood oo ku magac dheer (Faarax Laba-dhalo).
Taliye Faarax Qoryood oo kamid ah saraakiishii u horreeyay ee Sabtidii shalay u daatay Taliska Miraale ayaa sidoo kale wacad ku maray in aysan gacanta ciidamada ka baxsan doonin inta yar ee weli ka nool firxadka Daacish, haddii aysan si deg deg ah isu dhiibin inta iftiinka ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.