Mahad Salaad oo mar kale loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA

Mahad Maxamed Salaad

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir deg deg ah ,ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo, Mahad Maxamed Salaad oo markii labaad xilkan loo magacaabay.

“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir deg deg ah ,ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane Mahad Maxamed Salaad” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse.

“Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, iyo Agaasimaha Hey’adda NISA” ayuu intaasi raaciyay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse  Cabdi Barre.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale u mahadceliyey Agaasimihii shaqada laga eryay ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe, kaasi oo horay xilkan uga la wareegay Mahad Salaad.

PUNTLAND POST