
Warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka ambaqaadaya gogoshii uu horey ugu dhawaaqay uu todobaadyadii la soo dhaafay ku hawlanaa wadatashiyo gaar gaar ah oo uu la yeeshay qaar ka tirsan madaxdii hore ee dalka, madaxda dowlad gobaleedyada, ururuda siyaasadda, iyo bulshada rayidka.
Intaasi kaddib Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, taasi oo ka furmi doonta Magaalada Muqdisho 15ka Juun 2025, siday sheegtay Villa Somalia “Madaxweynuhu wuxuu sii wadi doonaa kulammo loogu gogol xaarayo shirkaas islamarkaana diiradda lagu saarayo arrimaha hortabinta u leh dawlad dhiska dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Amniga iyo Ciribtirka Argagixisada, Dimuqraadiyanta iyo Doorashooyinka, Dhammeystirka Dastuurka, Midnimada iyo Dhab-u-heshiinta.”
“Haddaba waxaa laga codsanayaa siyaasiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay u diyaar garoobaan kaalin mug lehna ka gaystaan shirkaas muhiimka u ah dawladnimadeena ayna soo ajiibaan casuumadda rasmiga ah ee Madaxweynaha. Arrimaha farsamada ee gogoshaas iyo wixii faahfaahin dheeri ah waxaa ka howlgalaya oo lagala xiriirayaa guddi gaar ah ee uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u saartay fududaynta gogosha iyo shirarka ka horeeyaba” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Villa Somalia.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.